Google search engine
HomeWararka MaantaSafiirka Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Punjab (Pakistan)

Safiirka Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Punjab (Pakistan)

Sahan Media Muqdisho: Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Sheikh Noor Mohammad Hassan ayaa maanta magaalada Lahore kula kulmay gudoomiyaha gobolka Punjab Sardar Saleem Haider Khan.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo quseeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo ganacsiga. Safiirka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey arrimaha ay la kulmaan ardayda Soomaaliyeed ee Pakistan.

Guddoomiyaha gobolka Punjab oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo ganacsiga. Waxa uu sheegay in la magacaabi doono qof u xilsaaran xalinta dhibaatooyinka soo wajaha ardayda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada kale.

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn u qiimeyneyso xiriirka ay la leedahay Pakistan, isla markaana ay Pakistan kala soo degto qalabka qalliinka, dawooyinka iyo agabka kale. Waxa uu ku celiyay sida ay uga go’an tahay in uu sii kobciyo xiriirka laba geesoodka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments