Google search engine
HomeWararka MaantaSamafale Turki ah oo isu badalay kufsade

Samafale Turki ah oo isu badalay kufsade

Sahan Media Muqdisho: Haweenka Suuriya ee u baahan gargaarka ayuu la soo xiriiray, markii hore Sadettin Karagoz wuxuu u ekaa “malaa’ig” xagga sare laga soo diray. In badan oo ka mid ah bulshadiisa waxa loo yaqaannay “Awoowga qaxootiga”.

Balse baaritaan ay waday laanta Turkiga ee BBC oo socday muddo sanad ah ayaa lagu ogaaday eedeymo sheegaya in milkiilaha hay’adda samafalka Turkiga uu xuddun u yahay fadeexad galmo oo saameysay qaar ka mid ah haweenka ugu nugul caasimadda Turkiga ee Ankara. Dhammaan eedeymahaas wuu diiday.

Xaafadda Altindag waxaa loo yaqaannaa Xalab yar, waxaana loogu magac daray magaalada Suuriya ku taalla, sababtoo ah kumanaan qaxooti ah oo ka yimid waddanka ayaa ku nool. Waa halka uu Mr Karagoz ka aasaasay hay’ad samafal sannadkii 2014-kii.

Turkiga waxaa ku nool mid ka mid ah qaxootiga ugu badan adduunka iyo hay’adaha la midka ah, tiisana waxay noqon kartaa halbowle, gaar ahaan haweenka, maadaama qaar badan aysan shaqeyn.

Mid ka mid ah waa Madiina*. Waxay ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Suuriya 2016-kii, markaasoo dagaalku uu qabsaday gurigeeda Xalab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments