Google search engine
HomeWararka MaantaSaraakiisha Ciidanka ee aan jago ku magacowneyn oo baabuurta lagala wareegayo

Saraakiisha Ciidanka ee aan jago ku magacowneyn oo baabuurta lagala wareegayo

Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka lagu arki karin gaari iyo askari aan heyb laheyn.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in talaabadaan ay kaga gol leeyihiin xaqiijinta amniga iyo ka hortaga ficilada Al-shabaab, kadib weerarkii dhawaan kooxdu ku qaaday Godka Jilicow oo ay u adeegsatay gaari lagu soo buufiyay caalama hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Xukuumaddu waxay soo saari doonta xeer ku saabsan in gaari iyo askari aan heyb laheyn uusan dhex socon doonin dalka iyo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi. 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Fiqi in kooxda Al-shabaab ay bilaawday iney fursad ka dhex raadiso adeegsiga gaadiidka dowladda, hayeshee taasi haatan dowladdu u diyaar garoowday.

“Khawaarijta markii ay kusoo gaban waayeen gaadiidka dad weynaha waxay bilaabeen iney isticmaalaan mid loo ekeysiiyay kuwa dowladda,arin dhif iyo naadir ah ayay aheyd dibna uma soo noqon doonto”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi. 

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilowgii bishaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ku weerareen godka Jilicow oo ka mid xarumaha NISA ee gobolka Banaadir gaari Cabdi bile ah oo ay kusoo buufiyeen caalamada NISA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments