Google search engine
HomeWararka MaantaShacabka maraykanka oo ka banaan baxay hab dhaqanka ICE

Shacabka maraykanka oo ka banaan baxay hab dhaqanka ICE

Sahan Media Muqdisho: Isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo hawlgallada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) ayaa ka dhacay guud ahaan Maraykanka, iyada oo kumanaan mudaaharaadayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka waawayn ee Los Angeles.

Ka dib markii maamulka Trump uu bilaabay olole dhanka socdaalka ah, kaas oo sababay dhimashada caanka noqotay ee Renee Good iyo Alex Pretti, oo labaduba Mareykan ah, oo ay geysteen wakiilada ICE ee gobolka Minnesota, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin iyo cabsida ay ka qabaan hawlgallada rabshadaha wata ee ICE, kuwaas oo ka dhacay gobollo badan oo dimuqraadi ah sida California.”

Marka laga soo tago mudaaharaadyada iyo isu soo baxyada, qabanqaabiyeyaasha ICE Out waxay ku booriyeen dadka Mareykanka inay ka baaqdaaan shaqada iyo iskuulada oo ay xiraan dukaamada tafaariiqda Jimcaha si ay u muujiyaan midnimada ay uga soo horjeedaan barnaamijka fulinta socdaalka federaalka ee maamulka Trump.

Dibad-baxayaashu waxay isku dhaceen booliiska bannaanka dhismaha federaalka ee Los Angeles, halkaas oo dibad-baxayaashu ay ku tuureen qashinka iyo dhalooyinka, taas oo keentay in askartu u adeegsadeen sunta dadka kaga ilmeysiisa oo ay ku buufinayeen dadka, sida ay sheegeen saxafiyiinta mudaaharaadyada soo tabinayay.

Hogaamiyayaasha maxalliga ah, oo ay ku jiraan xildhibaanka Mareykanka Brad Sherman iyo xubin ka tirsan golaha deegaanka Los Angeles Bob Blumenfield, ayaa ku biiray bannaanbaxa, iyagoo dhaleeceeyay tabaha ay isticmaalaan socdaalka federaalka waxayna ku booriyeen isbeddel in lagu sameeyo siyaasadaha fulinta maamulka Trump.

Sherman ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu rajaynayo in mudaaharaadyadu ay soo dedejiyaan in maamulka uu dib u eego qaabka uu wax u wado. Boqolaal arday ah oo dhigata dugsiyada sare ee Los Angeles ayaa sameeyay dibad bax, iyaga oo ku biiray mudaaharaadyada, Qaar ka mid ah meheradaha ku yaal Koonfurta California ayaa ku dhawaaqay inay si ku meel gaar ah u xireen dukaamada si ay u taageeraan dhaqdhaqaaqa ka-hortagga ICE.

Mudaaharaadyadii jimcaha ayaa la qorsheeyay habeenimadii Jimcaha in lagu maamuuso Good, Pretti iyo kuwa kale ee lagu dilay mudaaharaadyadii la xiriira socdaalka ee Minnesota.

Bannaan-baxayaashu waxay rajeynayaan in mudaaharaadyada ballaaran ay ku cadaadin doonaan hoggaamiyeyaasha federaalka inay hoos u dhigaan gardarrada iyo rabshadaha hawlgallada ICE

Xubnaha Veterans for Peace waxay ku nuuxnuuxsadeen in hadafkoodu uu yahay inay ka jawaabaan tabaha rabshadaha wata ee ICE iyagoo samaynaya mudaaharaadyo nabdoon oo aan rabshad lahayn.”Hadafka kooxdu waa in ay midnimo ka dhex dhaliyaan dawladda iyo dadka Maraykanka ah

“Waa inaan isu nimaadnaa,” ayuu yiri Driscoll. “Waa inaan si wadajir ah u abaabulnaa banaanbaxyada, sababtoo ah ma jirto cid kale oo na ilaalinaysa.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments