Sahan Media Muqdisho: China ayaa daaha ka rogtay diyaarad aan duuliye lahayn oo cusub intii lagu guda jiray dhoolatuska weynaa ee gobolka Sichuan. Diyaaradan ayaa duuli karta oo si toos ahna u degi karta, waxayna haysataa qalab loogu talagalay in ay iyada is maamusho.
Diyaaradan ayaanan wali si rasmi ah loo ogeyn magaceeda, waxaana lagu tijaabiyay deegaanada buuraleyda ah, taasi oo qeyb ka ah howlo samatabixin ah.
Sidii Gantaal oo kale ayuu u kacaa, dabadeedna dabada ayuu ku dhacaa halka loo asteeyay. Naqshadeynta diyaaradda Drone-ka ayaa u oggolaanaysa inay ka shaqeyso deegaanno qallafsan oo aan lahayn dariiqa ay diyaaraduhu ku ordaan.
Diyaaradan ayaa waxaa soo saartay Chengdu Aircraft Industry Group (CAIG) oo ah shirkad ay dowladdu leedahay oo hoos tagta shirkadda duulista hawada ee Shiinaha (AVIC), taasoo sidoo kale soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa dagaalkaba.