Google search engine
HomeWararka MaantaShil diyaaradeed oo ay ku dhinteen lix qof

Shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen lix qof

Sahan Media Muqdisho: Diyaarad nooca caafimaadka ah ayaa ku burburtay xaafad yar oo ku dhow magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhacdadan Kenya ayaa dhacday Khamiistii.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi 2:17 duhurnimo saacada Geeska Afrika, waxaanay ku sii jeeday Somaliland, waxaanay ku soo dhacday deegaanka Ruiru ee gobolka Kiambu, wax yar ka dib 3:00 galabnimo (1200 GMT).

Waxaa naga dhintay afar qof, oo uu ku jiro duuliyihii…

“Guriga uu ku soo dhacday diyaaradda laba qof ayaa sidoo kale ku dhintay,” ayuu yiri qabiir u hadlay , isagoo raaciyay in laba qof oo goobta ku sugnaa ay “si xun u dhaawacmeen.”

Sawirro laga soo qaaday shilkan ayaa muujinayay dad aad u tiro badan oo isugu soo baxay, iyadoo samatabbixiyeyaashii iyo gurmadayaashii ugu horreeyay ay soo dhex qaadeen burburka daadsan meelo badan.

“Diyaaraddu waxay billowday inay gubato iyadoo hawada ku jirta,” Tasha Wanjira oo deggan deegaanka ayaa sheegay ka hor inta aysan inta aysan soo dhicin dhulka.

Madaxa dhakhaatiirta Amref Flying Stephen Gitau, ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradahooda Cessna Citation XLS, ay “ku lug lahayd shil dhimasho ah khamiistii,” laakiin ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah.

Gitau wuxuu sheegay in shirkaddu ay diiradda saareyso “badbaadada iyo fayo-qabka dadka diyaaradda” wuxuuna sheegay in macluumaad dheeri ah la bixin doono “sida la xaqiijiyay.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments