Sahan Media Muqdisho: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta Suudaan subaxnimadii Arbacada, waxaana ka badbaaday hal qof oo kaliya, sida uu sheegay sarkaal.
Diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Juba ayaa burburtay wax yar uun kaddib markii ay ka kacday meel ku dhow xarumaha shidaalka ee gobolka Unity.
“Labaatan ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen midna uu badbaaday, kaas oo xaaladdiisu aad u liidato waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka Unity.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah labo Shiinees ah, mid Hindi ah iyo labo u dhashay Uganda.
Rakaabka ayaa ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda shidaalka ee Greater Pioneer Operating Company Ltd.
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo burburka diyaaradda.