Google search engine
HomeWararka MaantaShirkii Carta Xasan sheekh muxuu ka yiri?

Shirkii Carta Xasan sheekh muxuu ka yiri?

Sahan Media Muqdisho:25 guurada shirkii Carta (Djibouti), Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la joogo waqtigii Soomaaliya ay si buuxda uga gudbi lahayd nidaamka 4.5, kaas oo uu ku tilmaamay mid waqtigiisii dhammaaday, islamarkaana caqabad ku ah dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan sinnaanta iyo cadaaladda.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda iyo dib-u-habaynta nidaamka dowladeed, ayaa xusay in nidaamka 4.5 uu Soomaaliya kusoo caana maashay, balse uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbay xilli adag oo dalku burbursanaa.

4.5 wuxuu yimid maalin aysan Soomaalidu waxba haysan, wuxuuna ahaa xal labo sano ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbo, Laakiin waqti dheer ayuu naga soo qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in si loo dhaafo nidaamkaas ay lagama maarmaan tahay in laga saaro siyaasadda danaha shakhsiga iyo qofka, isagoo sheegay in qofku is beddeli karo, balse waddanku u baahan yahay in la abuuro nidaam mideeya ummadda oo ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.

“Si aan uga gudubno 4.5 waa in aan meesha ka saarno siyaasadda qofka, Soomaaliya maanta waxay qaaday wadadii toosnayd ee dunida, si ay ula jaanqaado nidaamyada casriga ah ee dawladnimada,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan maanta ka jeediyay Magaalada Carta oo ah meesha lagu soo unkay nidaamka 4.5 kadib shir weyne dib u heshiisiineed oo Dowladda Jabuuti ay ugu qabatay qabaailka Soomaaliya si loogu dhiso Dowlad KMG ah.

Munaasabaddan lagu qabtay magaalada Carta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay madaxda labada dal, siyaasiyiin, iyo wufuud ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Labada Madaxweyne ayaa si rasmi ah u xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taaladda Nabadda Soomaalida, oo ah madxaf casri ah oo lagu keydiyay taariikhda shirarkii dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments