Sahan Media Muqdisho: Dowladda Sucuudiga ayaa wax kabadal ku samaysay shuruudaha xajka 2026. Dadka iyo shirkadaha dadka xajisiiya ayaa loo sheegay in laga bilaabo bishan 8-aad ay sii qorsheystaan oo ay bixiyaan lacagaha xajka.
Waxaana dadka doonaya in ay xajka gutaan loogu baaqay in ay raacaan nidaamka cusub ee loo marayo lacag bixinta qofkii doonaya in uu soo xajiyo sanadka soo socda.
Cabdullahi Salad oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya. Waxuu soo jeedinayaa in ay muhiim tahay in qofka loo baahan yahay inuu xilli horeba lacagaha sii bixiyo.
Taariikhda ugu dambaysa ee lacagta la bixinayo waxaa waaye 22-ka bisha sideedaad ee sanadkaan” ayuu yidhi isaga oo qeexaya xilliga kama danbaysta ah ee qofka xajinaya looga baahan yahay in uu lacagta iska sii bixiyo.
“Taariikhda ay sheegeen haddaad dhaafto, gadashadii aad gadan lahayd teendhada way xirayaan, haddii mar la xirana lacagaha kale ee aad bixinayso wax macno ah kuma fadhiyaan” ayuu ku daray isaga oo ka digaya daahitaan ku yimaada bixinta kharashaadka caqabadaha ay keeni karto.


