Sahan media Muqdisho: Istaraatijiyadda Turkiga ee Afrika ayaa dhawaanahan mashaariic cusub ka waday Soomaaliya halkaas oo Ankara ay doonayso in ay sahamin ku sameyso kaydka shidaalka ee xeebaha, waxaana ay qorsheyneysaa in ay samayso iskaashiga milatari oo ay la yeelato goob cusub oo lagu tijaabiyo gantaallada.
Tan iyo markii ay bilowday Siyaasadeeda Hindisaha Afrika 1998-dii, Turkiga waxa ay rabtay in ay xoojiso xiriirka ganacsi, diblomaasiyadeed iyo amni ee uu la leeyahay qaaradda.
Dowladda Turkiga waxa ay gelineysaa “tamar iyo hammi weyn” si ay u gaarto yoolkeeda dhaqaale ee siyaasadda, ayuu yiri Volkan Ipek oo ka tirsan jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Yeditepe ee Istanbul. Istaraatiijiyadeeda waxa ay ujeedadeedu ahayd “kordhinta ganacsiga iyo kobcinta heshiisyada ganacsiga xorta ah, laga yaabee in gobolka ugu xasilloon uguna waxtarka badan, ama xitaa qaaradda, marka la eego siyaasadda dibadda waa Afrika.”
Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu kordhiyey tirada safaaradaha uu ku leeyahay Afrika 2002-dii oo ahayd 12 safaaradood, wuxuuna sannadkii 2022 ka dhigay 44. Diyaaradda Turkish Air ayaa hadda duulimaad ku tagtaa 62 goobood oo Afrikaan ah, halka 38 waddan oo Afrikaan ah ay safaarado ka samaysteen Ankara.
Saamaynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay qaaradda waxa ka muuqata korodhka xaddiga ganacsiga oo kor u kacay $5.4 bilyan (€4.85 bilyan) 2003 ilaa in ka badan $41 bilyan sannadkii 2022, ka hor inta aanu dib ugu noqon $37 bilyan sannadkii hore.
Maalgashadayaasha Turkiga waxa ugu soo jiidashada badan waa dadka da’da yar ee Afrika iyo kor u kaca baahida badeecadaha kuwaas oo rajo wanaagsan ka qaba faa’iidooyin dhaqaale. Balse hindisayaasha Turkiga waa inay la tartamaan mashaariicda ay bilaabeen Shiinaha, Ruushka, iyo wadamada Carabta ee gobolka Khaliijka kuwaas oo iyaguna doonaya inay kordhiyaan saamaynta ay ku leeyihiin Afrika.
Volkan Ipek waxa uu rumaysan yahay in Afrika ay u soo baxayso “suuq weyn” maadaama dhaqaalaheeda sii kordhaya “ay kiciyeen xiiso weyn oo Turkigu si lama filaan ah u dareemay inay ku qasban yihiin inay is muujiyaan tartankan.”
Sannadkii 2011-kii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaasi ahaa Ra’iisal Wasaare, ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo siyaasi ah oo booqda Soomaaliya muddo labaatan sano ah. Booqashadiisa waxa ay dabada ka riixday wax qabadka Ankara ee Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa noqotay saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda, iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay lagu kala saxiixday heshiisyo labo geesood ah oo ay ka mid yihiin in la is difaaco iyo in la iska kaashado amniga iyo sidoo kale heshiiska sahminta shidaalka Soomaaliya.