Sahan media Muqdisho: Ciidamada ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay la beegsadeen xarumaha lagu sameeyo gantaalada la rumeysan yahay inay soo saareen gantaalo lagu soo riday Israel sanadkii hore.
Weeraradan ayaa jawaab u ahaa weeraro gantaalo ah oo Tehran ay dhawaan ku qaaday Israel.
Iyada oo ay weheliso weerarradan, millatarigu waxa ay sidoo kale bartilmaameedsadeen hababka gantaallada hawada iyo hantida kale ee Iran, kuwaas oo la doonayey in lagu carqaladeeyo awoodda hawleed ee Israel ee gudaha hawada Iran, ayay ku nuuxnuuxsatay.
“Howlgalka si guul leh ayaa loo fuliyay, iyadoo dhammaan diyaaraduhu ay si nabad ah ugu soo laabteen saldhigga,” ayay raacisay.
Milatarigu waxa uu tilmaamay in ay leeyihiin awoodo kala duwan oo weerar ah, kuwaas oo qaarkood loo adeegsaday weeraradii Sabtidii lagu bartilmaameedsaday hantida istiraatijiga ah ee gudaha Iran.
“Hadda waxaan xaqiijin karaa inaan soo gabagabeynay jawaabta Israel ee weerarrada Iran ee ka dhanka ah Israa’iil,” afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa ku yiri bayaan muuqaal ah. “Waxaan qaadnay weerarro toos ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari oo Iran ah, anagoo ka hortagnay khataro degdeg ah oo ku wajahan dowladda Israa’iil.”
Waxa uu intaa ku daray in ciidanka Israa’iil “ay guteen hawshii loo igmaday”.
“Haddii taliska Iran uu sameeyo qalad uu ku bilaabay wareeg cusub oo xiisad ah, waxaa waajib nagu ah inaan ka jawaabno,” ayuu yiri.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in in ka badan 100 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay ka qayb qaateen weerarka lagu qaaday Iran.
- Iran ‘diyaar u ah’ inay ka aargoosato
Ka hor inta aysan Israa’iil ku dhawaaqin weeraradeeda, Iran waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka aargoosato gardarada Israel.
“Shaki kuma jiro in Israa’iil ay heli doonto jawaabta ku habboon tillaabo kasta oo ay qaado,” wakaaladda wararka ee Tasnim ee badhkeed ayaa ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyada.
Wakaaladdu waxa ay sidoo kale soo xigatay ilo rasmi ah oo ay sheegtay in “Sheekooyinka Israa’iil ee 100 diyaaradood oo militari ah oo ka qeyb qaadanayay weerarka ay tahay gabi ahaanba been abuur, iyadoo Israa’iil ay dooneyso in ay buunbuuniso baaxadda weerarkeeda daciifka ah”.
Mareykanka ayaa mar sii horeysay sheegay in Israa’iil ay “qaadeyso duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada militari ee Iran si ay isu difaacdo oo ay uga jawaabto weerarkii gantaallada ballistic-ga ee Iran ay ku qaadday Israa’iil 1-dii Oktoobar.”