Sahan Media Muqdisho: Somaliland ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo lagu xallinayo caqabadda ka dhalatay nidaamka E-visa ee ay dhawaan soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo dhibaato ku noqday dadka u socda Somaliland ee ka imanaya dalalka dibadda, gaar ahaan kuwa sita dhalashada ama baasaboorrada waddamada reer Galbeedka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada Somaliland ayaa sheegtay in ay heshay cabashooyin badan oo la xiriira culayska iyo dib u dhaca ay la kulmayaan dadka socdaalka ku yimid Somaliland, iyadoo arrintaasi sababtay in wasaaraddu qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta nidaamka cusub.
Somaliland ayaa horay u sheegtay in aysan aqbalayn nidaamka E-visa ee Soomaaliya soo rogtay, waxayna caddeysay in qof kasta oo ka soo dega garoomada Hargeysa iyo Berbera uu halkaas ku bixinayo lacagta dalku galka taas oo ka dhigan in muwaadiniinta Somaliland ee dalka dib ugu soo laabanaya ay bixiyaan lacagta laba jeer mid Soomaaliya iyo mid Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay hirgelinta nidaamka E-visa iyadoo sheegtay in qof aan dalban visahaas aysan diyaaradaha soo qaadi doonin. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in nidaamkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana lagu ogaanayo cidda soo gasha iyo cidda ka baxaysa dalka.
Si kastaba ha ahaatee Muranka u dhexeeya labada dhinac ayaa salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo maamulka hawada, maadaama dowladda Soomaaliya ay rabto in ay dib u maamusho dakhliga kasoo xarooda visaha halka Somaliland ay u aragto arrintaas mid ku xad-gudbeysa madax-bannaanideeda.