Google search engine
HomeWararka MaantaSoomaaliya iyo Cumaan oo iska kaashanaya dhoofinta xoolaha

Soomaaliya iyo Cumaan oo iska kaashanaya dhoofinta xoolaha

Sahan media Muqdisho: Saldanada Cumaan oo ay wakiil ka yihiin Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sahmiyey qaab kor loogu qaadayo iskaashiga dhinaca Xoolaha.

Arrintan ayaa timid markii Dr. Saud Hamoud Al Habsi, Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha uu xafiiskiisa ku qaabilay Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya, oo booqasho ku jooga Saldanada Cumaan.

Kulanka ayaa looga hadlay mowduucyo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa is dhaafsiga khibradaha iyo macluumaadka dhinacyada haqab-beelka cuntada iyo badbaadada cuntada, iyo sidoo kale sahminta habab kor loogu qaadayo maalgashiga iyo isdhaafsiga ganacsiga.

Dhinaca kale kulanka ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan arrimaha xoolaha iyo howlaha la xiriira. Waxa kale oo ay khusaysaa kor u qaadista iskaashiga dhinaca soo dejinta iyo dhoofinta xoolaha ee labada dal.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments