Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Arbacadii wada hadal la yeeshay dhiggiisa Masar Badar Abdelatty.
Wasiir Fiqi Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada
Abdelatty ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Masar ay xushmeyso sharafta dhulalka Soomaaliya iyo sidoo kale taageerada buuxda ee ay siiso hay’adaha qaranka iyo sidoo kale dadaallada lagu xaqiijinayo amnigeeda iyo xasilloonida.
Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo midnimada Soomaaliya si loo wajaho caqabadaha dhanka amniga ah si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida.
Waxa uu ku booriyay in la xoojiyo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee looga hortagayo weerarrada argagixsada iyo xididdada loo siibo argagixisada.
Labada wasiir ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay sii wadida isku xirka labada dal ee fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo wajaho caqabadaha wadajirka ah ee gobolka Geeska Afrika.
Wasiirada hoosta ayay ka xariiqeen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya.
Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in ay aad uga mahadcelinayaan taageerada Masar ay siiso Soomaaliya heer walba.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida dalkiisu u jecel yahay sii wadida iyo kor uqaadista xiriirka Masar.