Google search engine
HomeWararka MaantaSudan ayaa mar kale xaqiijisay in ay ka go'an tahay in ay...

Sudan ayaa mar kale xaqiijisay in ay ka go’an tahay in ay burburiso jabhadda RSF

Sahan Media Muqdisho: Sudan ayaa dib u cusboonaysiisay ballan qaadkeedii ahaa in ay tirtirayso ciidamada degdega ah (RSF) ee ku sugan gobolka galbeedka dalka ee Darfur.

“Waxaan dib u cusboonaysiineynaa ballanqaadkeena shuhadada inaan sii wadno iska hor imaadka iyo jabinta maleeshiyaadka mucaaradka ah (RSF) iyo calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ilaa laga xoreeyo taako kasta oo ka mid ah Darfur,” madaxa golaha ku meel gaadhka ah ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan ayaa yiri.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli uu booqasho ku tagey tuulada Wad Al-Noora oo ku taal bartamaha gobolka Gezira ee Suudaan Talaadadii, halkaas oo RSF la sheegay in ay xasuuq ka geysatay Juun 2024, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee SUNA.

Burhaan waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada Sudan aysan dhigi doonin hubka “ilaa laga ciribtiro fallaagadan iyo gardarada arxan darada ah.”

“Booqashada aan ku tagay tuulada waxa ay ka dhabaynaysaa balan qaad hore oo aan u sameeyay dadkii ku dhaawacmay aaggaas, waana waajib saaran inaan u tacsiyeeyo qoysaska shuhadada,” ayuu yiri Burhaan.

June 7, 2024, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa ku eedeysay RSF inay xasuuq ka geysatay Wad Al-Noora, oo ay ku dishay 180 qof oo rayid ah.

Kooxdan hubaysan ayaa marar badan iska fogaysay inay mas’uul ka yihiin xasuuqa noocan oo kale ah ee lagu hayo dadka rayidka ah.

Ciidanka Sudan ayaa bishii March si buuxda ugu dhawaaqay in ay la wareegayaan Gobolka Gezira, ku dhawaad hal sano ka dib markii ay RSF qabsadeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments