Sahan Media Muqdisho: Dowladda Suudaan ayaa dhaleeceysay cunaqabateynta uu Mareykanka ku soo rogay shaqsiyaadka iyo hay’adaha Suudaan, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay “mid dhinac ah oo aan waxtar u lahayn in la gaaro nabadda la doonayo”.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu yiri: “Tallaabooyinkan hal-dhinac ah “ma caawiyaan in la gaaro yoolalka la doonayo, oo ay ku jiraan xaqiijinta nabadda Suudaan iyo ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in “habka ugu wanaagsan ee lagu xallinayo xasaradaha ay asal ahaan ku saleysan tahay ka-qeybgalka tooska ah, halkii lagu tiirsanaan lahaa malo-awaalka ay faafinayaan dhinacyada leh ajendayaal siyaasadeed oo aan u adeegeynin danaha sare ee dadka Suudaan,”
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in nabad ka dhalata Suudaan laga yaabo inay noqoto hadaf ay wadaagaan bulshada gobolka iyo beesha caalamka, balse ay ugu horrayn tahay arrin Suudaani ah oo ku salaysan rabitaanka shacabka qaybahooda kala duwan. Dowladda Suudaan ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta himilooyinkan si kasta, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka iyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada, iyada oo la raacayo qaabka ixtiraamka madax-bannaanida qaranka.
Jimcihii, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah Wasiirka Maaliyadda Sudan Gibril Ibrahim iyo Al-Baraa Bin Maalik Brigade, oo ah koox hubeysan oo ka barbar dagaalanta ciidamada Sudan.
Mareykanka ayaa bayaankiisa ku sheegtay in cunaqabateynta lagu bartilmaameedsaday “Jilayaasha Islaamiyiinta Suudaan, ee kala ah Ibrahim iyo Brigade Al-Baraa, ku lug lahaanshahooda dagaalka sokeeye ee Sudan iyo xiriirka ay la leeyihiin Iran”.
Waxay intaa ku dartay in cunaqabataynta “ay ujeedadeedu tahay in la xaddido saamaynta Islaamiyiinta ee gudaha Suudaan iyo in la yareeyo dhaqdhaqaaqyada gobolka ee Iran,” kuwaas oo ay sheegtay inay gacan ka geysteen xasillooni darro gobolka, colaadda, iyo dhibaatada rayidka.
Ibraahim waa hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa cadaalada iyo sinnaanta iyo koox hubaysan oo ka timid Darfur oo heshiis nabadeed la saxeexday dawladda Sudan 2020 laakiin hadda ka barbar dagaalamaya ciidamada.