Sahan Media Muqdisho: Milatariga Maraykanka ayaa Axadii sheegay in ay go’doomin doonaan maraakiib kasta oo “ soo gala ama ka baxaya dekedaha Iran iyo xeebaha ku teedsan” balse waxa ay sheegeen in ay u ogolaan doonaan maraakiibta kale in ay maraan marin biyoodka Hormuz, saacado kadib markii uu madaxweyne Trump sheegay in Maraykanku uu si buuxda u xannibi doono marin biyoodka muhiimka ah.
Xayiraadda saaran dekedaha Iran ayaa bilaaban doonta maalinta Isniinta ee 10-ka subaxnimo ee wakhtiga bariga, taliska dhexe ee Maraykanka ayaa bayaan uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay, isagoo intaa ku daray in “ciidamada Maraykanku aanay caqabad ku noqon doonin xorriyadda socodka maraakiibta u kala gudba marin biyoodka Hormuz ee ka soo dega dekedaha aan Iran ahayn.”
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xabbad joojinta lala galay Iran ay “si wanaagsan u socoto” go’doominta uu ku dhawaaqay horraantii Axaddana ay dhaqangeli doonto subaxnimada Isniinta. Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay xannibi doonaan dhammaan maraakiibta ka soo dega iyo kuwa ka baxa dekedaha Iran laga bilaabo 10-ka subaxnimo ee xilliga bariga.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta ayuu Trump sheegay in laga yaabo in Iran ay wali ku soo laabato miiska wada xaajoodka. “Waxaan u maleynayaa in Iran ay ku jirto xaalad aad u xun,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay aad u quus yihiin.” Laakiin wuxuu ku andacoodey in aan la dhibin labada dhinacba. “Ma daneeyo inay soo noqdaan dagaalladiii,” ayuu yiri.


