Google search engine
HomeWararka MaantaTartanka gudoomiyaha baarlamaanka W/Bari oo bilowday

Tartanka gudoomiyaha baarlamaanka W/Bari oo bilowday

Sahan Media Muqdisho: Magaalada Laascaanood waxaa ka socda qaban-qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari taas oo la filayo in maalmaha soo socda la qabto, Guddi doorasho oo gaar ah ayaa bilaabay diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyadoo dhowr musharax isdiiwaangeliyey.

Doorashadan ayaa ah mid si weyn loogu diyaar garoobayo maadaama tartan adag uu ka muuqdo musharrixiinta ku loolamaya hoggaanka baarlamaanka, Waxaa jira shaqsiyaad loo saadaalinayo kuraastan muhiimka ah kuwaas oo durba soo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa musharrixa kasta.

Guddoomiyaha doorashada baarlamaanka xildhibaan Axmed Keyse ayaa warbaahinta u sheegay in weli socoto qabashada codsiyada musharrixiinta, Wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan jirin beel ama shaqsi gaar ah oo loo xiro kuraasta balse xildhibaannada oo keliya ay xaq u leeyihiin inay isu soo sharxaan iyadoo laga doonayo inay buuxiyaan shuruudaha musharraxnimada.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari ay horey u diideen codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka loo xiro beel gaar ah, Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in hoggaanka baarlamaanka uu u furnaan doono musharrixiinta ka kala socda beelaha oo dhan taas oo muujineysa in doorashadu noqon doonto mid tartan furan ku dhisan.

Doorashadan guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay hordhac u noqoto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka cusub ee Waqooyi Bari, Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhammaystiraysa dhismaha hay’adaha maamulka Cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments