Google search engine
HomeWararka MaantaTirada qaxootiga ku sugan Liibiya oo kor u dhaafay 100,000

Tirada qaxootiga ku sugan Liibiya oo kor u dhaafay 100,000

Sahan Media Muqdisho: CNN ayaa daaha ka qaaday in tirada qaxootiga ku sugan Liibiya ay kor u dhaaftay 100,000 bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay xogta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Sida warbixinta lagu sheegay, dadka u dhashay Suudaan ayaa ah inta badan qaxootiga ku sugan dalka, kuwaas oo gaaraya ilaa 84,400, waxaa ku xiga Eriteriyaan (8,900), Ethiopian (2,300), Koonfurta Suudaan (1,900), iyo ilaa 5,300 oo Suuriyaan ah.

CNN waxa ay xustay in tirada dhabta ah laga yaabo in ay ka badan karto tirooyinka rasmiga ah ee la diiwaan galiyay, isaga oo sharxaya in Qaramada Midoobay ay ka shaqeyso oo kaliya meelaha ay maamusho Dowladda Midnimada Qaran ee Galbeedka Liibiya, taas oo adkeyneysa in lagu xisaabtamo dadka qaxootiga ah ee ku nool meelo kale.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay kororka tirada badan ee qaxootiga Suudaan inay sabab u tahay dagaalka ka socda Suudaan, kaasoo sababay dilal iyo barakac ballaaran. Dhanka kale, kumannaan Eriteriyaan ah ayaa ka qaxay dalkooda si ay uga baxsadaan qorista qasabka ah ee militariga iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay dhibanayaal u noqdeen kooxaha dadka tahriibiya.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Liibiya ay u adeegto tahriibayaasha isku dayaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka una sii jeeda Yurub. Gobolka Saxaraha waqooyi bari ayaa lagu tilmaamay inuu yahay meesha ugu dambeysa ee ay ka baxaan Afrika kuwa ka soo cararaya dagaalka iyo cadaadiska iyagoo raadinaya nolol wanaagsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments