Google search engine
HomeWararka MaantaToogashadii sedexaad ayaa ka dhacday Minneapolis

Toogashadii sedexaad ayaa ka dhacday Minneapolis

Sahan Media Muqdisho: Saraakiisha Federaalka ICE ee dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay qof kale magaalada Minneapolis, iyadoo ay socoto olole dhanka koontaroolka socdaalka ah sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, taasi oo dhalisay mudaaharaadyo iyo baaqyo cusub oo loogu baaqayo madaxweyne Donald Trump inuu si degdeg ah uga soo saaro askarta aadka u hubeysan magaalada.

Taliyaha Booliska Minneapolis Brian O’Hara ayaa saxaafada u sheegay in nin 37 jir ah uu ku dhintay isbitaalka sabtidii ka dib markii dhowr xabadood lagu dhuftay. O’Hara ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa nin degan Minneapolis, heystayna dhalashada Mareykanka.

Waalidka ninka la dilay ayaa aqoonsaday inuu yahay Alex Pretti, oo ah kalkaaliye caafimaad qeybta daryeelka degdega ah.

Toogashadan khasaaraha badan dhalisay ayaa dhacday iyada oo toddobaadyo la soo daabulayey ciidamada fulinta socdaalka iyo wakiillada kale ee federaalka Minneapolis, halkaas oo ay ka wadeen hawlgalo qayb ka ah ololaha Trump ee ka dhanka ah socdaalka.

Waxaa ka dhacayay mudaharaadyo Minneapolis tan iyo bishii Janaayo 7dii toogasho lagu dilay Renee Good oo 37 jir ahayd, taasoo la dilay markii sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka iyo canshuuraha (ICE) uu rasaas ku furay gaarigeeda.

Wakiilada federaalka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Venezuela dhacdo kale oo todobaadkii hore ka dhacday magaalada.

“Tani ma aha kaliya arrin ku saabsan dhaqangelinta socdaalka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz intii lagu jiray shir jaraa’id oo gaar ah oo ka dhacay Saint Paul, caasimadda gobolka iyo magaalada mataanaha ah ee Minneapolis.

“Waa olole arxan darro ah oo la soo abaabulay oo ka dhan ah dadka gobolkayaga. Maantana ololahaas wuxuu galaaftay nolol kale,” ayuu yiri Walz, isagoo ballan qaaday in Minnesota ay wax ka qaban doonto baaritaanka dilka.

Fiidiyowyadu waxay muujinayaan mid ka mid ah wakiilada ICE oo sida muuqata ku buufinaya sunta dadka ka ilmeysiisa Pretti iyo mudaaharaadayaal kale. In kasta oo Pretti uu isku dayay in uu ka leexdo sunta oo uu caawiyo mudaaharaadayaasha kale, wakiillo dhowr ah ayaa la legdamayay iyaga oo dhulka ku dhuftay oo bilaabay inay ka garaacaan madaxa iyo jidhka kale.

Intii ay dhulka ku hayeen Pretti, mid ka mid ah askarta ayaa soo sawiray Bistooladiisa kadibna rasaas badan ku dhuftay.

Bellingcat, oo ah koox cilmi-baarayaal iyo saxafiyiin ah oo sameeya baaritaanno il-furan, ayaa sheegay in muuqaalka toogashada “ay u muuqdaan inay muujinayaan in bistoolad laga qaatay ninka ka hor inta aan lagu ridin rasaastii ugu horreysay”.

“Laba askari oo kala duwan ayaa si muuqata u ridaya Bastooladahooda, iyadoo guud ahaan la maqlay ugu yaraan 10 xabbadood.

O’Hara, oo ah madaxa bilayska, ayaa sheegay in booliisku ay rumaysan yihiin in qofkaasi uu ahaa “qof qori sharci ah leh oo haysta ogolaansho uu ku qaadan karo”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments