Google search engine
HomeWararka MaantaTrump oo martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Qatar,

Trump oo martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Qatar,

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Jimcihii, iyadoo ku xigeenka madaxa ergada Khaliijka uu sheegay in casho sharaftan ay ahayd mid aad u wanaagsan.

“Cashada weyn ee POTUS. Hadda way dhammaatay,” Hamah Al-Muftah ayaa ku soo qoray barraha bulshada ee Maraykanka X.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in cashada ay dhacday balse ma bixin wax faahfaahin ah.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Israel ay salaasadii duqeymo ay la beegsatay hogaanka kooxda Falastiin ee Xamaas ee ka dhacay magaalada Doxa, taasi oo dhaleeceyn ballaaran uga timid gobolka iyo meelo kale.

Trump ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay Israa’iil weerarka ka dib, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo hal dhinac ah.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qatar, kuwaas oo ka wada xaajoonaya heshiis cusub oo uu Maraykanku soo jeediyay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza, halkaas oo Israa’iil ay ku dishay in ka badan 64,000 oo qof tan iyo bishii Oktoobar 2023. Qatar ayaa ahayd dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka.

Kahor kulanka casho sharafta ah ee uu la yeeshay Trump, Sheekh Maxamed ayaa Aqalka Cad kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments