Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto wadahadallada ay kula jirto Iran si loo go’aamiyo in heshiis la gaari karo, wax yar ka dib markii uu Arbacadii kulan albaabada u xirnaa kula yeeshay Aqalka Cad Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga, xitaa iyadoo Washington ay ka fiirsaneyso inay ballaariso joogitaankeeda milateri ee Bariga Dhexe haddii wadahadaladu burburaan.
“Ma jirin wax dhab ah oo la gaaray oo aan ka ahayn in aan ku adkaystay in wada xaajoodka Iran la sii wado si loo eego in heshiis la dhamayn karo iyo in kale,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay Truth Social.
Kulanka ayaa ahaa kii todobaad ee hogaamiyayaasha tan iyo markii uu bilowday xilka labaad ee Trump, waxaana la sheegay in uu qaatay ku dhawaad ​​saddex saacadood. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in hoggaamiyaha Israa’iil uu doonayo in heshiis kasta lagu soo daro xaddididda barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Iran, loogana baahan yahay Tehran in ay xiriirka u jarto kooxaha mintidka ah sida Xamaas iyo Hezbollah.
Saraakiisha Israa’iil iyo Maraykanka ee aqoonta u leh dooda ayaa sheegay in labada dhinacba ay weli ka walaacsan yihiin fursadaha ay heshiis la gaaraan Tehran. Saraakiisha ayaa sheegay in labada xulafada ay sidoo kale ka wadahadleen suurta galnimada in tilaabo militari oo wadajir ah la qaado hadii diblumaasiyadda ay fashilanto.
Ilo-wareedyo Israa’iil ah ayaa sheegay in kulanka looga dan lahaa in lagu diyaariyo ‘qorshe-hawleed wadajir ah’ ee Maraykanka iyo Israa’iil haddii ay dhacdo in wada xaajoodka Iran uusan wax natiijo ah kasoo bixin. Xukuumadda Israa’iil iyo laamaha ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in aanay filaynin in wadahadalku guulaysto.
Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay ka shakisan tahay inay xaqiijin karto heshiis xitaa haddii wadahadallada diiradda lagu saaro barnaamijka Nukliyeerka Iran oo aysan ku jirin horumarinta gantaallada Tehraan. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku heshiiyaan in la qaado weerarro is-daba-joog ah haddii ay dhacdo in wadahadalku fashilmo, in saamayntu ay ka weynaan karto in labada waddan markuu keligiis sameeyo.
Iran ayaa ogolaatay inay sii wado wada xaajoodyada laakiin ma muujin wax calaamad ah oo ay ku badalayso mowqifkeeda. Tehran ayaa in muddo ah dafirtay in ay samaysanayso hubka Nukliyeerka, iyada oo ku adkaysanaysa in ay xaq u leedahay tamarta nukliyeerka. Waxa ay sidoo kale marar badan ku celcelisay in barnaamijkeeda gantaaladu uu yahay qayb udub-dhexaad u ah difaaca qaranka oo aan u furnayn gorgortan.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Seyed Abbas Araghchi ayaa Arbacadii u sheegay Ruushka in Iran iyo Mareykanka ay gaari karaan heshiis ka wanaagsan qorshaha wadajirka ah ee 2015, isagoo ku celceliyay in Tehran aysan gorgortan ka geli doonin barnaamijkeeda gantaalada ama xulafada gobolka.
Sidoo kale Arbacadii, madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay intii lagu guda jiray dabaaldegga Tehraan ee lagu xusayay 47-guuradii ka soo wareegtay kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii ayaa sheegay in Iran aysan u hogaansami doonin dalabaadka xad dhaafka ah ama gardarada.
Washington iyo Tehraan ayaa wadahadalo aan toos ahayn ku yeeshay Jimcihii magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan, iyadoo ay taagan tahay xiisado taagan iyo ciidamo Maraykan ah oo isku urursanaya meel u dhow Iran.
Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu ka fiirsanayo inuu koox labaad oo diyaarad xambaara ah u diro Bariga Dhexe haddii ay dhacdo in wada xaajoodyadu fashilmaan. Wararku waxa ay sheegeen in Pentagon-ka laga yaabo in uu markabkaasi geeyo laba toddobaad gudahood.
Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, ayaa Arbacadii sheegay in USS George H.W. Bush waxa uu dhamaystirayaa leyliga tababarka ee xeebaha Virginia waxana laga yaabaa in uu dardargeliyo jadwalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaan weli soo saarin amar rasmi ah oo lagu soo daadgureynayo, waxaana laga yaabaa in qorshuhu uu weli is beddeli, ayay tiri warbixintu.


