Google search engine
HomeWararka MaantaTurkiga ayaa doonaya inuu ku biiro Koonfur Afrika dacwadda xasuuqa ee ka...

Turkiga ayaa doonaya inuu ku biiro Koonfur Afrika dacwadda xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil

Sahan media Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in Turkiga uu ku biiri doono Koonfur Afrika dacwadda xasuuqa ah ee ka dhanka ah Israa’iil ee ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

“Markaan dhammeyno qoraalka sharciga ah ee shaqadeena, waxaan u gudbin doonaa cadeynta faragelinta rasmiga ah ee ICJ horteeda iyadoo ujeedadu tahay fulinta go’aankan siyaasadeed,” Fidan ayaa Arbacadii ka sheegtay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia Retno Marsudi ee Turkiga caasimadda Ankara.

“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero dadka reer Falastiin xaalad kasta,” ayuu yiri.

Maxkamadda ICJ ayaa ku amartay Israa’iil in ay ka fogaato fal kasta oo ku dhici kara heshiiska xasuuqa iyo in ay xaqiijiso in ciidamadeedu aysan geysan wax xasuuq ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ka dib markii Koonfur Afrika ay ku eedaysay Israa’iil xasuuqa ay dawladdu hormuudka ka tahay ee Gaza.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii Janaayo sheegay in Turkiga uu dhokumentiyo ku saabsan kiiskan ka bixinaya maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, oo sidoo kale loo yaqaano Maxkamadda Adduunka.

Turkiga ayaa ku biiri doona Colombia isagoo si rasmi ah u codsan doona inuu ku biiro kiiska ka dhanka ah Israel. Bishii hore, dalka Koonfurta Ameerika ayaa ugu baaqay ICJ inay u ogolaato inay ku biirto kiiska iyo inay xaqiijiso “badbaadada iyo, runtii, jiritaanka dadka Falastiiniyiinta”.

ICJ waxay u ogolaan kartaa dawladaha inay soo farageliyaan kiisaska oo ay dhiibaan fikradahooda. Israa’iil iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa eedeymaha Koonfur Afrika ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Go’aanka kama dambaysta ah ee kiiska wuxuu qaadan karaa sanado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments