Sahan Media Muqdisho: Turkiga ayaa ku nuuxnuuxsaday “taageerada xooggan” ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay diidmadeeda aqoonsiga Israel ee gobolka W/Galbeed.
Wasiir ku xigeenka Turkiga, Musa Kulaklıkaya ayaa hadalkan sheegay isagoo guddoominaya shirka aan caadiga ahayn ee 22-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo ka dhacay dalka Sacuudiga, si looga hadlo go’aanka Israel ay ku aqoonsatay gobolka.
Kulaklıkaya “wuxuu carabka ku adkeeyay taageerada xooggan ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay diidmada aqoonsiga Somaliland taasoo uu sheegay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Turkiga.
Waxa uu ku celiyay “Turkiye taageerada hagar la’aanta ah ee dhammaan dadaallada caalamiga ah ee loogu talagalay ilaalinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta iyo helitaanka nabad iyo xasillooni waarta ee gobolka.”


