Vaughan Gething ayaa ku guuleystey tartankii hogaanka xisbiga shaqaalaha ee Wales Sabtidii isagoo helay 51.7% codadkii la dhiibtay, wuxuuna noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee Madow ah ee dawlad madax banaan.
“Maanta, waxaan baal ka furnay buugga taariikhda ummaddeenna, taariikh aan isla qorno,” Gething ayaa yiri ka dib markii uu ku guuleystay doorashada.
Gething ayaa bedeli doona Mark Drakeford, oo la filayo inuu is casilo 19-ka Maarso, iyadoo baarlamaanka Wales uu si rasmi ah u dooran doono hogaamiyaha xiga maalinta xigta.
Kadib Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak iyo wasiirkii kowaad ee Scotland Humza Haroon Yousaf, Gething waa hogaamiyihii saddexaad ee wiil soo galooti ah oo UK jooga.
Gething waxa uu ku dhashay Zambia waxaa dhalay aabbe u dhashay Wales iyo hooyo Zambian ah, Sunak waxa uu leeyahay hiddaha Hindiya, halka Yousaf uu ka dhashay qoys Pakistani ah oo ku nool UK.