Google search engine
HomeWararka MaantaWaa imisa xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Bariga Afrika

Waa imisa xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Bariga Afrika

Sahan Media Muqdisho: Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku doortay sagaal xubnood oo dalka ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA). Doorashadan ayaa ahayd mid si weyn loo sugayay, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya xubno rasmi ah u dirto baarlamaanka ururkan.

Sagaalka xubnood ee la doortay ayaa kala metelaya qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo afar ka mid ah ay yihiin dumar, taas oo sare u qaaday matalaadda haweenka oo gaartay ku dhowaad kala bar xubnaha la doortay.

Soomaaliya ayaa bishii November ee sanadkii hore 2024 si rasmi ah ugu biirtay Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), taas oo u suurtagelisay in ay yeelato saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran oo ka dhex muuqata dalalka xubnaha ka ah ururka.

Xubnaha cusub ee EALA ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, iyagoo sidoo kale difaaci doona danaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ee ka dhex jira ururka Bariga Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments