Sahan Media Muqdisho: Xasan Ciraaqi waa taliyiha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor oo ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen xilli uu ku sugnaa magaalada Wajaale ee xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Xasan Ciraaqi oo xabsiga la dhigay ayaa Somaliland sheegtay inuu si sharci darro ah ku soo galay dhulkeeda isagoo xil sare oo ciidan ka haya Dowladda federalka ah ee Somalia.
Saraakiil katirsan maamulka Somaliland ayaa warbaahinta qaar u sheegay inaysan Xasan Ciraaqi sii dayn doonin inta laga sii daynayo saraakiil kaga xiran Magaalada Laascaanood.
Taliye Xasan Ciraaqi ayaa siweyn loogu xusuustaa doorkii uu ka qaataty dagaalkii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray Jubbaland iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.