Google search engine
HomeWararka MaantaWaa sidee xaaladda Togga jeceel ee Ceel-miskaad?

Waa sidee xaaladda Togga jeceel ee Ceel-miskaad?

Sahan Media Muqdisho: Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka culus ayaa maanta ilaa afar jiho ka weeraray mileeshiyaadka Daacish oo ku dhuumanaya dusha sare ee togga Jeceel, kaddib markii shalay ciidamadu ka qabsadeen difaacii adkaa ee Dharin.

Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay dusha sare ee togga Jeceel oo ay ku dhuumanayaan dagaallamayaashii Daacish ee ka firxaday dagaalkii ugu adkaa ee shalay ka dhacay toggaasi, kaasi oo socday ilaa iyo xalay, islamarkaana ciidamada dowladdu kula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay.

War kooban oo ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ajaanib ah, balse lama xusin cidda fulisay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments