Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa kulan miradhal ah kula yeeshay magaalada Baqdaad dhiggiisa Ciraaq Wasiir Cabdul Caamir Al-Shammari, iyagoo wada saxiixay heshiis is-faham oo dhanka ammaanka ah.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ku sugan magaalada Baqdaad iyo Al-Shammari ayaa shaaca ka qaaday inay ka wadahadleen codsiga Soomaaliya ee ku aaddan la talinta, tababarrada iyo khibrad-wadaagga la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan ka hortagga kooxaha sida Al-Qaacida iyo Daacish, kuwaasoo weli ka hawlgala Soomaaliya.
Al-Shammari ayaa muujiyay sida ay Ciraaq diyaar ugu tahay inay bixiso taageero dhan walba ah, oo ay ku jiraan tababaro iyo khibrad urureed, si ay Soomaaliya uga caawiso inay wax ka qabato caqabadaha amni ee ka jira, isagoo ammaanay dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa amni iyo xasillooni.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa socdaalkiisii ​​Baqdaad ku sheegay mid guul ku soo dhammaaday, isagoo xusay inuu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq, isla markaana uu kormeeray taliska ilaalada xuduudaha si uu ugu kuurgalo dadaallada socda.
“Waxaan sidoo kale booqan doonaa cutubyo kale, oo ay ku jiraan sirdoonka iyo ka hortagga maandooriyaha,” Ismaaciil ayaa ku daray.
Ismaaciil waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida ay Soomaaliya u qabto in ay ka faa’iidaysato khibradda Ciraaq ee la dagaalanka argagixisada, ilaalinta xuduudaha, iyo la dagaalanka ka ganacsiga daroogada.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad celiyay Ciraaq sida ay uga go’an tahay bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si kor loogu qaado ammaanka Soomaaliya.