Sahan Media Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ah ayaa dib u dhigay booqasho taariikhi ah oo uu ku tagi lahaa Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah socdaal uu ku tagi lahaa Afrika oo ujeedkiisu ahaa xoojinta ganacsiga istiraatiijiga ah, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Booqashada Wang Yi ee la qorsheeyay waxay noqon lahayd tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed Shiinaha uu ku tago tan iyo 1980-meeyadii.
Waxa la filayey in ay Muqdisho ka hesho dhiirri-gelin diblumaasiyadeed kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka mid ah gobollada Waqooyi ee ku dhawaaqay madaxbannaanida 1991-kii.
Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sidoo kale maraya heerkii ugu hooseeyay kadib markii Washington ay sheegtay in usbuucan ay joojin doonto kaalmooyin kale oo faa’iido u leh dowladda oo ka dhashay muran ku saabsan burburinta bakhaarka barnaamijka cuntada adduunka.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in sababta dib loogu dhigay iyo jadwalka socdaalka Wang uu dib ka soo sheegi doonno.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha kama aysan jawaabin sababta dib loogu dhigay.
Wang ayaa bilaabay safarkiisa sanadka cusub ee Afrika Arbacadii, isaga oo diiradda saaraya helitaanka istaraatiijiga ah ee ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika iyada oo Beijing ay raadineyso inay sugto marinnada maraakiibta muhiimka ah iyo khadadka sahayda kheyraadka.


