Sahan media Muqdisho: Arbacadii, waxaa soo baxay warar sheegaya in la “afduubtay” Taye Dendea xilli uu ka soo baxay xabsiga Klinto ee duleedka Addis Ababa. Sheekada ugu weyn ee wargaysyada Itoobiya Arbacadii ayaa ahayd in ” ay afduubeen” “shakhsiyaad wajiga soo qarsaday.”
BBC laanta Amxaariga ayaa sheegtay Khamiista, iyadoo soo xiganeysa xaaska Taye Dendea, in la sii daayay. Waxa ay ku micneysay in ay xireen ciidamada ammaanka wax yar ka dib markii lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 20,000 oo birr sida uu qabo xukun maxkamadeed.
Hadda ka hor, xaaska Taye ayaa BBC-da u sheegtay in ciidamada ammaanka iyo booliska federaalku ay geeyeen meel aan la garanayn.
Warku wuxuu sheegay in Khamiistii laga sii daayay Xafiiska Dembi-baarista Booliska Federaalka ee deegaanka Mexico ee Addis Ababa.
Taye ayaa markii hore la xiray December 2023, maalmo un kadib markii laga qaaday xilkii Wasiiru Dowlaha Nabadda. Xil ka qaadistiisa ayaa timid kadib markii uu si bareer ah u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu ku tilmaamay “Nin aan naxariis lahayn oo jecel inuu ku ciyaaro dhiigga dadka aan waxba galabsan”.