Google search engine
HomeWararka MaantaWaxka badalka Dastuurka oo la ansixiyay maxaa xiga?

Waxka badalka Dastuurka oo la ansixiyay maxaa xiga?

Sahan media Muqdisho: Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey waxkabaddalka afartii cutub ee dastuurka Soomaaliya marka laga reebo dhowr qodob.

Afarta cutub ayaa mid mid loogu codeeyay kadibna labada gole waxay u codeeyeen guud ahaan waxkabaddalka dastuurka taas oo iyadana la ansixiyey.

Saddex qodob oo ay sheegeen guddigii ku hawlanaa waxkabaddalka dastuurka in ay quseeyaan diinta islaamka isla markaana ay talo soo jeedin uga timid culumada ayaa dib loo dhigay.

Guddiga ayaa sheegay in ay saddexda qodob ee kala ah 13-aad farqadiisa 1-aad, 16-aad iyo 28-aad farqadiisa labaad ay u dirayaan cilmibaaris haddii loo oggolaado taas oo loo codeeyay sidaasna dib loogu dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments