Google search engine
HomeWararka MaantaWHO oo barnaamijyo caafimaad ka bilowday Soomaaliya

WHO oo barnaamijyo caafimaad ka bilowday Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya ayaa billowday olole heer qaran ah oo lagula dagaallamayo jadeecada, dabeysha, iyo oof-wareenka, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo in ka badan 3 milyan oo carruur ah oo ku nool dalka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo bilawday ololahan socon doonna muddo toddobaad ah, iyada oo kaashanaysa dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad-goboleedyada, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ujeeddada ololahan ay tahay in carruurta iyo bulshada nugul laga ilaaliyo cudurrada dilaaga ah ee ka socda Geeska Afrika.

Isbaheysiga Tallaalka (GAVI) ayaa taageeraya ololahan, kaasoo ujeedkiisu yahay in 3.1 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano laga tallaalo jadeecada, dabeysha, iyo oof wareenka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Tan iyo 2014-kii, Soomaaliya lagama helin Virus-ka Dabeysha, waxaana Qaaradda Afrika lagu dhawaaqay in sanadka 2020-ka aysan ka jirin Cudurka Dabeysha.

Si kastaba ha ahaatee, WHO ayaa ku warrantay in kaabayaasha caafimaadka ee dalka ay halakeeyeen colaadaha, faqriga, iyo xasaradaha cimilada, iyo noocyada cudurka dabeysha ay weli khatar ku yihiin carruurta.

Bishii Abriil, Soomaaliya waxay soo bandhigtay laba tallaal oo nafo-badbaadin ah barnaamijkeeda tallaalka qaranka: tallaalka pneumococcal conjugate (PCV) iyo tallaalka rotavirus, labaduba waxay ujeeddadoodu tahay in laga hortago oof-wareen iyo shuban ku dhaca carruurta.

Waxaa ay sheegtay in dadaalkan la isku dubariday uu yahay tallaabo horumar leh oo dalka laga gaaray si loo yareeyo faafitaanka cudurada jadeecada, oof wareenka, iyo shuban biyoodka rotavirus, kuwaas oo ah saddexda sababa ee ugu badan ee cudurada iyo dhimashada carruurta Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments