Nin looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay ururka Daacish kana soo jeeda magaalada Bristol UK ayaa lagu eedeeyay in uu u socdaalay meel ay ku xooggan yihiin argagixisada Soomaaliya isagoo rajo ka qaba in uu noqdo “Shahiid ku sugan goobta dagaalka”, sida ay maxkamaddu sheegtay.
Mohammed Mohamoud, oo 21 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu maleegay falal argagixisanimo, wuxuuna u safray dalka Soomaaliya oo uu ku sugnaa muddo shan toddobaad ah intii u dhaxeysay 29-kii Janaayo iyo 4-tii Maarso ee sannadkii hore.
Maxkamadda Westminster Magistrates’ waxay dhageysatay Mohamoud, oo lagu xiray agagaarka Horfield todobaadkii hore, laguna eedeeyay inuu ka tagay UK si uu ugu biiro kooxaha xagjirka ah ee la magac baxay dowladda Islaamiga.
Waxaa lagu eedeeyay Mohamoud “in uu ku guuleystay in uu u safro Soomaaliya” isagoo tagay “goobo ay ku xooggan yihiin ururka argagixisada”.
Mohamoud ayaa Talaadadii ka soo muuqday goobta laga soo taago dhageysiga maxkamadda koowaad, wax yar ka dib markii ay booliisku ku dhawaaqeen in lagu soo oogay dacwad ah diyaarinta falal argagixisanimo, taasoo ka soo horjeeda qaybta 5 ee sharciga argagixisada 2006.
Mr Luckett ayaa si xushmad leh u codsaday ku xigeenka madaxa xaakimka maxkamada Tan Ikram todoba cisho oo dib u dhigis ah.
Waxa uu sharaxay in ogolaanshaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka loo baahan yahay marka la qabanayo eedeymaha argagixisanimo ee ku lug leh falal lagu soo maleegay dal kale.
Mohamoud, oo ay hooyadii iyo walaalkii kula nool yihiin magaalada Bristol, ayaa xaakimku ku amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 3-da bisha February ee soo socota dhegaysi kale.
Eedeynta argagixisanimada ayaa lagu dhawaaqay subaxnimadii Talaadada bayaan kasoo baxay Booliska La-dagaalanka Argagaxisada ee Koonfur Bari.


