Sahan Media Muqdisho: Weerarka Godka Jilacow waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inkastoo aan weli xaqiijin tirada khasaaraha, haddana dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa isugu jira ciidamada dowladda iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa koowaad.
War kooban oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidanka dowladdu uu ku jiro howlgal sifayn ah. Waxay dowladdu xaqiijisay in qaar ka mid ah kooxdii weerartay Godka Jilacow la toogtay, iyadoo intaas ku dartay in haatan uu socdo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan.
Alshabaab ayaa markii ay gudaha u galeen xabsiga waxay oodda ka qaadeen maxaabiis halkaas ku xirnaa, kuwaas oo markii dambe la arkayay iyadoo ciidanka dowladda ay soo qabteen, inkastoo aan la ogayn in ay jiraan maxaabiis baxsaday.
Godka Jilacow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu amniga adag magaalada Muqdisho. Horey uma dhicin in Shabaabku gudaha u galaan xaruntan. Weerarkii maanta dhacay, Alshabaab waxay sameeyeen farsamo aan laga shakin. Waxay isku soo ekaysiiiyeen ciidanka NISA, iyagoo soo qaatay gaari ciidan ah oo u muuqaal ekaa kuwa ciidanka NISA.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku faanay in dagaalyahanno ka tirsan ay hadda dagaal kula jiraan gudaha xarunta Godka Jilacow.
Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarka,“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee Magaaladda Muqdisho. Duullaankaan waa mid lagu wiiqayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif.