Google search engine
HomeWararka MaantaXildhibaannada Puntland ee laga soo doorto gobolka Sanaag oo su'aalo ka keenay...

Xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto gobolka Sanaag oo su’aalo ka keenay shirkii Nairobi

Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa bilaabay shirar lagula xisaabtamo xukuumadda Puntland, si wax looga waydiiyo qodobada heshiiskii ay lagashay maamulka Somaliland, kadib shir ka qabsoomay Magaalada Nairobi.

Xildhibaan Mursan Cabdi Maxamed, oo laga soo doorto gobolada Sanaag iyo Haylaan, ayaa sheegay in Puntland ay leedahay xuduudo dastuuri ah sidaad daraadeed cidna heshiis kulama geli karto, wuxuuna intaasi ku daray in wixii ay diideen reer Sanaag aysan dowladdu kala heshiin karin Somaliland.

“Puntland xuduud sharci ah ayey leedahay, Madaxweyne ama Wasiir midna cid kulama heshiin karo, ciddii ku xad gudubtana waa lala xisaabtamayaa, Qorraalada iyo codadka wasiir Juxaa waa xad gudub deegaan, dad iyo sharciga Puntland laga galay, xildhibaanaduna waa la xisaabtamayaan”, Ayuu yiri XIldhibaan Mursal.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray,”Dadka reer Sanaag iyo Haylaan 33 sano ayey wadaan dagaal ay ku diidan yihiin aragtida Somaliland ee gooni goosadka, ilaa mid hunguri iskiisa u doontay maahee, cidna heshiis kuma geli karto waxaan diidney iyo mabaa’dii aanan shaqo ku lahay.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments