Sahan Media Muqdisho: Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axaddii ku dhawaaqday inay go’aansadeen inay “kor u qaadaan” howlgalladooda militari ayna bilaabaan fulinta wajigii afaraad ee “go’doominta ciidamada badda” ee ka dhanka ah Israa’iil si ay uga jawaabaan xasuuqa ka socda Marinka Gaza.
War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada qalabka sida ee kooxda, ayay Xuutiyiintu ku cadeeyeen in marxaladan ay tahay in la beegsado dhamaan maraakiibta ay leedahay shirkad kasta oo la macaamilaysa dekedaha Israel, iyadoon loo eegayn dhalasho shirkadeed ama goobta ay gaari karaan ciidamadeena qalabka sida.
War saxaafadeedka ayaa loogu baaqay “dhammaan shirkadaha inay si deg deg ah u joojiyaan la macaamilka dekedaha Israel inta uu ka dhamaanayo waqtiga bayaankan uu socdo.”
Waxay ka digtay in maraakiibtooda “laga yaabo in la beegsado iyada oo aan loo eegin halka ay u socdaan, meel kasta oo ay gaari karaan gantaaladayada ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”
Kooxda ayaa sidoo kale ku boorisay “dhammaan dalalka, haddii ay rabaan inay ka fogaadaan xiisadan, inay cadawga ku cadaadiyaan inay joojiyaan gardarrada iyo inay ka qaadaan go’doominta Gaza. Ma jiro qof xor ah oo dhulkan ah oo aqbali kara waxa dhacaya.”
Xuuthiyiinta ayaa xoojiyey gantaalada iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel tan iyo markii ciidamada Israel ay dib u bilaabeen weerarada Marinka Gaza bishii March ka dib laba bilood oo xabad joojin ah.
Laga soo bilaabo Noofambar 2023, kooxdu waxay sidoo kale bartilmaameedsatay maraakiibta ganacsi ee badda cas, gacanka cadmeed, iyo badda Carabta si ay u taageeraan Falastiiniyiinta Gaza, halkaas oo in ka badan 59,800 dhibanayaal lagu dilay weerar Israel.