Google search engine
HomeWararka MaantaXuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay in Israa'iil ay dishay  Axmed Ghaalib Rahwi ra'iisul...

Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay dishay  Axmed Ghaalib Rahwi ra’iisul wasaaraha Yemen

Sahan Mzdia Muqdisho: Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay horaantii todobaadkan lagu dilay ra’iisul wasaaraha xukuumadda oo ka dhacay caasimadda Sanca.

Axmed al-Rahawi ayaa lagu dilay duqeyn Khamiistii ka dhacday Sanca isaga iyo tiro wasiiro ah, sida ay Xuutiyiinta ku sheegeen war ay soo saareen Sabtidii.

Al-Rahawi oo ra’iisul wasaare kasoo noqday deegaannada kala qaybsan ee ay kooxdu gacanta ku hayso, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ay ku sheegtay in lala beegsaday xubno kale oo ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo Xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay in “dhowr” wasiiro kale ay sidoo kale ku dileen weerarka Israel, iyaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Weerarka Israa’iil ay ku qaaday Sanca ayaa ku soo aaday iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso xilli ay Israa’iil dagaal ku qaadayso Qaza.

Milateriga Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ciidamadooda ay Khamiistii duqeeyeen “bartilmaameed militari oo maamulka argagixisada Xuutiyiinta ay ku leeyihiin aagga Sanca”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments