Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee dalka Yemen ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya in ay fuliyeen weeraro lagu hoobtay iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee ka shaqeysata Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Bayaan ay soo saartay Isniintii, ayay wasaaraddu ku sheegtay in ciidamada Eritrea ay weerar hubaysan oo toos ah ku qaadeen kalluumaysato rayid ah oo Yemeniyiin ah, xilli ay ka shaqaynayeen biyaha Yemen ee badda cas. Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday hub noocyo kala duwan ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la xiray dhowr kalluumeysato ah oo xoog lagu watay.
Wasaaraddu waxa ay dhacdadan ku tilmaantay mid khatar weyn ku ah badbaadada kaluumaysatada Yemen, waxaanay sheegtay inay taasi wax u dhimayso noloshooda, isla markaana meel ka dhac ku ah xuquuqdooda sharci ee ah inay si sharaf leh ugu noolaadaan.
Saraakiisha Yemen ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay fal ay ku tilmaameen sharci darro ay maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ka wadaan biyaha Yemen. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kalluumaysato ka soo jeeda gobolka Xadramawt ee Yemen la qabtay iyaga oo kalluumaysanayay, waxaana lala wareegay doonyihii ay wateen, qalabkii iyo kuwii ay qabteen.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si buuxda mas’uul uga tahay dawladda Ereteriya iyo maamulka Puntland, marka loo eego sharciga caalamiga ah iyo sharciga bani’aadamnimada. Waxay dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan kalluumeysatada xiran, in la dammaanad qaado ammaankooda, ku soo laabashadooda Yemen, loo soo celiyo doonyihii, qalabkii iyo agabkii ay wateen.
Waxaa kale oo ay ku baaqday in lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay xadgudubyada lagu eedeeyay.
Wasaaraddu waxay ku boorisay Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa xuquuqul insaanka iyo kuwa bini’aadantinimada inay ka soo baxaan waajibaadkooda sharci iyo akhlaaqeedba, iyagoo cambaareeyey dhacdooyinkaasi, isla markaana ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu badbaadinayo kalluumaysatada Yemen ee ka hawl-gala xudduudaha iyo biyaha caalamiga ah.


