Sahan media Muqdisho: Qulqulka tabriibeyaasha ay ku jiraan Soomaalida ee ka gudbaya xadka Mexico ayaa sababay in shaqada laga eryo wasiirka awoodda badan ee arrimaha gudaha ee Mareykanka Alejandro Mayorkas.
Xil-ka-qaadista ayaa timid toddobaad kadib markii xubnaha Congress ee xisbiga Jamhuuriga ay ku guuldareysteen inay shaqada ka eryaan wasiirka.
Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku heysta wasiirkan sida uu u maareeyay dhaqangelinta sharciyada kahor-taga qulqulka tahriibeyaasha soo galaya Mareykanka oo aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii la doortay Joe Biden, madaxweynaha Xisbiga Dimoquraatiga.
Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeynaya in dowladda bedeshay ay ku fashilantay xakamaynka qulqulka dadka soo-galootiga ah.
Kumanaan kun oo muhaajiriin magan galyo doona oo ay Soomaali ku jirto ayaa ka talaaba xadadka dhulka ee Maraykanku la wadaago dalka Mexico. Tan ayaa waxay dood adag ka dhex waday sanooyin badan xisbiyada Maraykanka.
Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo aqlabiyad yar ku maamula aqalka wakiilada ayaa si adag u dhaliilay habka dowladda Biden u maamushay arintaas iyo dhaqan galin la’aanta sharciyada Socdaalka oo ay ku eedeeyeen dowlada.
Aqalka Congress-ka ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii amniga gudaha Alejandro Mayorkas, taasoo ka dhigaysa in uu noqdo xubintii ugu horeysay ee golaha wasiirada ee wajaheysa xil ka qaadis muddo ku dhow 150 sano.
Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Mayorkas ku eedeeya qulqulka muhaajiriinta aan horay loo arag ee ku soo qulqulaya xadka Mareykanka iyo Mexico.