Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Qabanqaabada soo dhaweynta ayaa hadda ka socota magaalada Kismaayo, iyada oo lagu wado in Masu’uuliyiin, wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal & heer Maamul-Goboleed ah ay madaxweynaha ku soo dhaweeyaan Garoonka magaalada Kismaayo.
Wafdi hordhac ah oo Muqdisho ka socda ayaa gaaray Kismaayo, sida ay sheegeen ilo kala duwan, waxaana labada hogaamiye ay ka wada hadli doonaan xaaladda Guud ee dalka & dagaalka “AS”.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, kadib markii Baarlamaanka uu furay Dastuurka, waxaana tallaabadan ka soo horjeestay Maamulka Puntland, Siyaasiyiin iyo Madax hore.
Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka ayaa rumeysan in booqashada madaxweynaha ee Kismaayo uu ka tarjumayo is-maandhaaf keeni kara in dalka uu sii kala fogaado, xilli ay soo baxayaan dhawaaqyada mucaaradka oo ka cabsi qaba in talada dowladda ay ku ekaato Federaalka.