Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekeh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysan doona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.