Sahan media Muqdisho: Weerarka oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay naftii halige watay gaari ay qaraxyo ka buuxaan, kadibna waxaa xigay dabley gudaha u gashay hoteelka, kuwaasoo inkabadan 10 saacadood ka dagaallamaayay gudaha hoteelka.
Weerarkan waxaa ku dhaawacmay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ah kamid yihiin lix Xildhibaan oo saddex kamida ay yihiin mudanayaal hore, Afhayeenka xukuumada Farxaan Jimcaale, Xoghayaha gobolka Banaadir Faysal Caraale Afrax, taliyaba ciidanka Haramcad Gaashaanle Fanax, askar iyo shacab kale.
Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegaya in la toogtay dableydii gudaha hoteelka saacadaha badan ka dagaalameysay oo tiradooda lagu sheegay saddex ilaa shan, iyadoo xaaladda ay hadda tahay mid aad u dagan.
Si kastaba, Waxaa is weydiin mudan sida Hotelka SYL oo dhinacyadiisa ay yaallaan Koontoroollo adag oo sida qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyadoo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebi jiray baabuurta.