Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo kulan la qaatay saraakiisha howlgallada iyo taliyayaasha ciidamada

Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay saraakiisha howlgallada iyo taliyayaasha ciidamada

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka.

Kulankaan oo ku saabsana dardar-gelinta howl-gallada xoreynta dalka ayaa waxa uu madaxweynaha kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howl-gallada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka

Saraakiisha ayuu u sheegay madaxeynaha in si adag la iskula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalka socda, maadaama uu aas-aas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada faray in aysan dib u dhicin wixii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Galmudug, oo dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments