Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadam Bakaal, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala hadasho baahideeda marin-badeed, isaga oo xusay in dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato.
Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News Arabia oo ka baxa Imaaraadka Carabta, ayuu wasiirku kaga hadlay doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika, xiriirka ay la yeelatay Israa’iil, dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya, isaga oo xusay in boqolkiiba 12 ilaa 15 ganacsiga badda ee caalamka uu maro marin-biyoodkaas, “Somaliland waa mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon uguna xasilloon gobolka, waxaana aaminsanahay inay si weyn uga qayb qaadan karto ilaalinta amniga aaggan istaraatiijiga ah,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa difaacay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelatay Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato dal kasta oo ay u aragto inuu dan u yahay, “Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Israa’iil ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ay u arkaan inay dan u yihiin labada dhinac, hase yeeshee ma uusan faahfaahin mashaariic gaar ah oo ilaa hadda laga hirgeliyay xiriirkaas.
Isaga oo ka jawaabaya dalalka Carabta iyo Muslimiinta qaarkood ee cambaareeyay xiriirkaas, ayuu sheegay in dowladahaasi aysan weli si toos ah ula soo xiriirin Somaliland si ay ugu sharraxaan sababaha ay uga soo horjeedaan, Wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal iyo inay ka jawaabto walaacyada laga qabo xiriirka ay la leedahay Israa’iil.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsan in Israa’iil ay Somaliland ka dhisanayso saldhig milatari ama mid badeed, Wuxuu si adag u dhaliilay madaxweynaha, isaga oo ku eedeeyay inuusan aqoon u lahayn xaaladda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Hase yeeshee, wareysiga kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya jiritaanka saldhigga la sheegay.


