HomeWararka MaantaMaxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

Sahan Media Muqdisho: Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Sebtembar 2026.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi ku saabsan ansixinta kama dambaysta ah ee natiijada doorashada.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay dib u eegtay dukumentiyada la xiriira codsiga, isla markaana ay xaqiijisay in aan la soo gudbin dacwad waafaqsan qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ka hor imanaysa natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qodobbada sharciga doorashooyinka iyo habraaca u degsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinka, kuwaas oo awoodda ansixinta kama dambaysta ah siinaya Maxkamadda Sare, kaddib marka guddiga doorashooyinku si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada.

Liiska natiijada ku jirta go’aanka Maxkamadda ayaa xusay musharraxiin ku guuleystay kuraas ay ku tartameen ururro siyaasadeed oo kala duwan.

Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay in go’aanka loo gudbiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isla markaana loo faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah, Ansixintan ayaa dhammaystiraysa marxaladda garsoorka ee xaqiijinta natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Galmudug, sida ku cad go’aanka Maxkamadda Sare.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments