Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Seikh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka, ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso, balse ay dooratay wada-hadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda.
Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubaysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.
Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubaysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.
Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni, gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka.
Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.


