Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay ku booriyeen daneeyayaasha nidaamka siyaasadeed ee dalka fiidnimadii Axadda inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan in heshiis lagu gaaro hannaan loo dhan yahay iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed.
Xiisada siyaasadeed ayaa sare u kacday kadib markii labada aqal ee baarlamaanka ay Sabtidii ansixiyeen afar cutub oo ka mid ah dastuurka, taasi oo dhabaha u xaareysa in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oo cusub.
Saacado ka dib markii baarlamaanku ansixiyay wax ka bedelka, maamul goboleedka Puntland ayaa diiday wax ka bedelka dastuurka, iyagoo ku hanjabay inay xiriirka u jarayaan dowladda dhexe.
Codeynta oo dhacday Sabtidii ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay madaxda mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan. Sweden,Turkiye, UK, US, iyo US ayaa warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay inay bogaadinayaan dadaallada Muqdisho ee lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay u hoggaansanto waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa gobolka oo ay ka mid tahay xuquuqda carruurta.
“Waxaan rajeyneynaa iskaashiga mustaqbalka ee Soomaaliya si ay u xoojiyaan doorka ay ku leeyihiin fagaarayaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ah, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay qirayaan in dowladda ay doonayso inay horumar ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxayna ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay laba-laabaan dadaalkooda. si loo dhiso is afgarad iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay.”
Hadalkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii baarlamaanka uu ansixiyay afar cutub oo ay ka mid yihiin xuriyatul qowlka, matalaadda haweenka, iyo nidaamka hoggaanka dalka.
Nidaamkan cusub ayaa Soomaaliya ka dhigaya saddex xisbi qaran, waxaana muwaadiniinta ay si toos ah u dooran doonaan madaxda dowladda, kuwaasoo sidoo kale magacaabi doona xilkana ka qaadi doona ra’iisul wasaaraha.
Dastuurka hadda jira wuxuu ogol yahay oo kaliya in madaxweynaha uu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha, laakiin baarlamaanka ayaa awood u leh inuu xilka ka qaado.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in codeynta baarlamaanka iyo sidoo kale dib u habeynta lagu sameeyay hannaanka doorasho ee dalka iyo dib u soo celinta doorashada guud ee Soomaaliya ay tahay mid taariikhi ah.
Xasan ayaa sidoo kale Axadii saxiixay cutubyada dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameeyay kadib markii ay ansixiyeen xildhibaanada aqalka hoose ama baarlamaanka federaalka iyo golaha shacabka, taasoo ay dowladdu ku tilmaantay “horumar weyn” oo ka dhigan tallaabo xasaasi ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, sinaanta, iyo Hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya ka dhisan.