Sahan Media Muqdisho: Afar diyaaradood oo kuwa rakaabka ah oo marayey Bariga Maraykanka ayaa waxaa afduubtay koox xagjir ah.
Kadibna waxaa loo adeegsaday sidii gantaalo waaweyn, oo la hago si ay ugu dhacaan dhismayaasha taariikhiga ah ee New York iyo Washington.
Labo ka mid ah diyaaradahaas ayaa lagu dhuftay Daarihii Mataanaha ahaa ee ganacsiga ee ku yaallay bartaha New York.
Diyaaradda koowaad ayaa ku dhacday daarta dhanka Waqooyi xigtay saacaddu markay ahayd 08:46 wakhtiga New York.
Tan labaad ayaa lagu burburiyey Daarta dhanka Koonfureed xigtay saacaddu markay ahayd 09:03.
Dhismeyaasha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana ku xannibmay dadkii saarnaa dabaqyada sare, qiiq ayaana is qabsaday guud ahaan magaalada.
Wax ka yar labo saacadood, ayaa labadii dabaq ee 110 biyaano ka koobnaa ku burbureen kuna bas beeleen, waxay ka tageen boor sida daruurihii cirka isku shareeray.
Diyaaraddii saddexaad ayaa abbaaro 09:37 ku burburtay dhanka galbeed ee wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon kuna taal bannaanka magaalada caasimadda ah ee, Washington DC.
Diyaaradda Afaraad ayaa abbaaro 10:03 ku burburtay dhul bannaan oo ku yaal Pennsylvania ka dib markii rakaabka diyaaraddu ay wax iska caabbin sameeyeen. waxaana la rumaysan yahay in ragga wax afduubtay ay doonayeen in ay weeraraan dhismaha Capitol ee Washington DC.


