Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen dab xooggan oo ka kacay baar ku yaalla Bangkok.
Dab-damiyeyaasha ayaa goobta loo yeeray wax yar kaddib saqdii dhexe. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in macaamiishu ay isku dayayeen inay ka baxsadaan albaabka hore, kaas oo dabku qabsaday, markii shaqaalaha gurmadku ay yimaadeen.
Muuqaallo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa muujinaya holac ka baxaya gudaha dhismaha iyo haweeney ku dhacaysa dhulka iyadoo ay jirto jahwareer ka dhex dhacay dadkii isku dayayay inay baxsadaan, kaddibna kacaysa si ay uga cararto goobta.
Ra’iisul Wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul ayaa wariyeyaasha kula hadlay goobta, wuxuuna sheegay in 27 qof ay dhinteen, halka dhowr kalena loo qaaday isbitaallo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababta dabka ay weli baaritaan ku socoto.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadlay mid ka mid ah fannaaniintii ka tumaysay goobta markii uu dabku kacay. Sida uu sheegay, fanaanku wuxuu u sheegay in dabku markii hore ka billowday korontada, kaddibna xaaladdu si degdeg ah isu beddeshay.
Baar-kan, oo Thailand looga yaqaan “Rong Bir Na Lat Phrao”, wuxuu ku yaalla deegaanka Chatuchak ee Bangkok.
Sida uu sheegay wargeyska Daily News of Thailand, waa mid ka mid ah xarumaha madadaalada iyo maqaayadaha caanka ah ee ku yaalla aaggaas ee caasimadda.


